Home.Warka

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Falastiin oo ku kulmay.

Like Tweet Pin it Share Share Email


Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Sharm El Sheikh ee dalka Masar maanta kula kulmay Madaxweynaha Falastiin, Maxamuud Cabaas.

War qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in labada madaxweyne ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal, ka wada shaqaynta arrimaha Bariga dhexe iyo kuwo kale oo la xiriira amniga caalamka.

Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamuud Cabaas ayaa is weydaar saday xog ku aaddan waddammadooda iyo dadaallada lagu doonayo in looga hirgaliyo nabad iyo xasillooni waarta.

Waxay kaloo isla soo qaadeen doorka waddammada carbeed ee la dagaallanka argagixisada iyo xallinta dhibaatooyinka ka taagan waddammada xubnaha ka ah Jaamacadda carabta qaarkood.

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Falastiin ayaa Sharm El Sheikh uga qaybgalaya shir caalami ah oo looga hadlayo maalgashiga dalka Masar.

Comments (0)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *