Da'ayar British ah oo lagu qabtay Turkiga.



Seddax dhalinayro oo u dhashay Britain oo lagu tuhunsanyahay in ay doonayeen in ay Daacish ku biiraan ayaa lagu qabtay dalka Turkiga, sida uu sheegay baliiska Britain.

Waxa ay kala yihiin laba wiil oo 17 sana jir ah oo ka tagay galbeedka London iyo nin 19 sana jir ah, waxaana lagu qabtay magaalada Istanbul.

Waxaa la sheegay in la waayay maalintii Jimcaha, qabashadoodana waxa ay timid kadib markii baliiska UK uu ka dalbaday dhigiisa Turkiga.

Qoysaskooda ayaa arrintani lagu wargaliyay.

Seddax gabdhood oo u dhashay Britain oo dhamanatood ka tagay London ayaa bishii hore u gudbay Suuriya iaygoo sii amray Turkiga si ay Daacish ugu biiraan.

Saraakiisha Turkiga waxa ay sheegen in aan macluumaad ku filan la siin markii gabdhaasi la waayay bishii hore.

Author: Liban Farah

Editor of Faafiye.com
Host of Faafiye Show
I can be reached by Email at editor@faafiye.com

Share this post