Home.Warka

Dabayl ku dhufatay Jasiiradaha Pacific.

Like Tweet Pin it Share Share Email



QM ayaa sheegtay in duufaanta ku dhufatay jasiiradaha ku yaalo dalka Vanuatu ee badwaynta Pacific ay noqon karto mid kamid ah masiibooyinka dabiiciga ee ugu xumaa ee soo maro taariikhada badwayntaas.

Ugu yaraan sideed qof ayaa ku dhimatay dabeeshan, balse waxa ay qaadan kartaa maalmo ama isbuucyo ka hor inta aan la ogaan baaxada khasaaraha ka dhashay duufaantan ku dhufatay 65 jasiiradood oo ku yaalo dalkaasi.

Goobjooge ku sugan caasimada Port Vila ayaa sheegay in dabeeshu ay cagta marisay tuulooyin dhan oo guryaha ku yaalo ay ka samysanaayeen cooshada.

Dabeesha Pam waxaa markii hore lagu waday in ay dhinac marto waddanka balse daqiiqadihii u dambeeyay ay jihada baddalatay.

Comments (0)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *