Qaraxyo ka dhacay kaniisado ku yaala.



Ugu yaraan shan qof ayaa ku dhintay laba qarax oo ka dhacay laba kaniisadood oo ku yaalo magaaalada Lahore ee dalka Pakistan, sida ay sheegeen shaqaalaha caafimaadka.

Ugu yaraan 50 qof oo kale ayaa ku dhawacmay qaraxaydan oo ka dhacay xaafad ay ku badanyihiin masiixiyiinta.

Warbaahinta maxaliga ayaa ku waramaysa in tirada dhimashada ay 10 gaarayso.

Qaraxyadan mataanaha ah waxa ay dhaceen xili mashquul badan, iyadoo dad badan ay ku cibaadaysanayeen kaniisadaha.

Bulshada masiixiga ee Pakistan waxaa inta badan bartilmaameedsada mintidiinta.

Koox Taalibaan ka go’day, oo la magac baxday Jamaacatul Ahraar ayaa sheegatay in ay weerarkaasi ka dambeysay.

Author: Liban Farah

Editor of Faafiye.com
Host of Faafiye Show
I can be reached by Email at editor@faafiye.com

Share this post