Diyaarad ku shaqeynaysa ileyska qoraxda oo ka duushay Abu Dhabi (Daawo Sawirada)




Markii ugu horeysay ayaa Garoon ku yaalo Magaalada Abu Dhabi ee dalka Isu taga Imaaraadka Carabta, waxaa ka duushay diyaarad ku shaqeynaysa ileyska cad-ceeda, taasi  oo lagu magacaabo Solar Impulse-2.

Diyaaradaan ayaa waxaa la sheegay inay leedahay hal kursi oo kaliya, waxaana baalasha diyaarada ku dhegan qalab soo jiidanaya Cad-ceeda oo loogu talo galay inay diyaarada ku duusho.

Tijaabadda duulimaadkaan ayaa waxaa duulinaya labo nin oo u dhalatay dalka Switzerland oo la kala yiraahdo Bertrand Piccard iyo Andre Borschberg.

Dadka ku nool Magaalada Dhabi ee dalka Isu taga Imaaraadka carabta ayaa aad ula yaabay casriga Tignoolajidan cusub ee diyaarada ku shaqeynaysa Ileyska cad-ceeda.



Sanadkii 2013 ayaa dalka Mareykanka diyaarad noocaan oo kale ah lagu soo bandhigay, inkastoo diyaaradaan ay ka ballaaran tahay midi sanadka 2013-ka Mareykanka lagu soo bandhigay.

Diyaaradaan ayaa la sheegay inta ay ku guda jirto duulimaadkeeda inay mari doonto dalal kala duwan si loogu muujiyo dalalkaasi Isticmaalka Aalada cusub ee Tiknoolajiyada.



Author: Liban Farah

Editor of Faafiye.com
Host of Faafiye Show
I can be reached by Email at editor@faafiye.com

Share this post