Home.Warka

Ducaale: Kenya wada xaajood lama gali doonto koox argagixiso ah.

Like Tweet Pin it Share Share Email
IMG_0649-0.JPG

Hoggaamiyaha aqlabiyada baarlammaanka dalka Kenya, Aadan Barre Ducaale ayaa sheegay in loo baahan yahay in xoogagga difaaca ee Kenya ay awooddooda ku ballaariyaan  xuduudda isku xirta degmooyinka Lamu iyo Mandera.

Wuxuu sheegay in taasi  ay ciidammada Kenya ka caawin doonto inay ka hortagaan  weerarro kale oo malleeshiyada Al-Shabaab ee fadhigeedu yahay Soomaaliya ay ka fuliso waddooyinka mara gudaha Kenya.

Warbixin uu soo dhigay barta uu ku leeyahay Twitter-ka ayuu Ducaale ku sheegay in Kenya marna aysan wadaxaajood la galidoonin malleeshiyo maxeysato ah iyo koox argagixiso toona.

Ducaale oo u warramay Iddaacada Capital FM ee fadhigoodu yahay magaalada Nairobi ayaa intaas ku daray in sidoo kale aysan Kenya la xaajoon doonin burcada iyo kuwa ka ganacsada daroogada.

Hadalka hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlammaanka Kenya, Aadan Barre Ducaale ayaa soo baxay iyada oo toddobaadkii hore weerar lagu qaaday guddoomiyaha degmada Mandera, Cali Roobaa iyo kolonyo gaadiid ah oo la socotay, kaas oo  lagu dilay seddex qof, laguna dhaawacay lix kale.

Weerarkaas  ayaa waxaa mas’uuliyadiisa sheegatay kooxda Al-Shabaab.

 

Comments (0)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *