Home.Warka

Jawaari oo qaabbilay wafdi ka socday Qarammada midoobay.

Like Tweet Pin it Share Share Email


Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa magaalada Muqdisho maanta ku qaabbilay wafdi ka socday Qarammada midoobay.

Wafdiga oo uu hoggaaminayay madaxa hay’adda qarammada midoobay u qaabbilsan barnaamijka horumarinta mashaariicda caalamiga ah ee UNDP ayaa Jawaari kala arrinsaday didii Qarammada midoobay ay uga qayb qaadan lahayd horumarinta baarlamaanka Soomaaliya iyo baarlammaannada maamul goboleedyada dalka.

Madaxa UNDP, George Conway oo kulanka kaddib u sheegay warbaahinta in Qarammada midoobay ay diyaarisay mashruuc lagu horumarinayo baarlamaanka Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada.

Guddoomiyaha baarlammaanka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cismaan ayaa isaguna sheegay inuu wafdiga la saxiixday heshiis ku saabsan horumarinta baarlammaanka dalka iyo kuwa maamullada.

Comments (0)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *