Madaxweyne Xasan oo ka soo laabtay Masar.


Wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha dowladda federaalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dib ugu laabtay magaalada Muqdisho kaddib markii madaxweynaha uu ka qeyb-galay shir looga hadlayay horumarinta dhaqaaalaha Masar oo ka dhacay magaalada Sharm el-Sheikh ee dalka Masar.

Qaar ka mid ah waddooyinka magaalada ayaa la xiray, gaar ahaan waddada isku xirta garoonka diyaaradaha Aadan Cadde iyo xarunta madaxtooyada si loo sugo ammaanka madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa u ambabaxay Masar Khamiistii la soo dhaafay kaddib markii uu casuumaad ka helay dhiggiisa dalkaas, Cabdulfataax Sisi, si uu uga qeyb-galo kulanka dhaqaalaha Masar.

Author: Liban Farah

Editor of Faafiye.com
Host of Faafiye Show
I can be reached by Email at editor@faafiye.com

Share this post