Netanyahu oo ku guuleystay doorashada Israa'iil.

Netanyahu

Ra’iisalwasaaraha Isra’iil Benjamin Netanyahu ayaa guul ka gaaray doorashadii baarlamaaniga ee dalkaasi ee sida aadka ah loogu loollamay.

Xisbiga Likud ee Netanyahu ayaa helay boqokiiba 24 doorashada baarlamaanka, halka xisbiga bidixda dhexe ee mucaaradka uu helay boqokiiba 19.

Hoggaamiyaha mucaaradka ayaa u hambalyeeyay Netanyahu, balse waxaa uu sheegay in arrintan ay astaan u tahay halkay ku socota siyaasadda Israa’iil.

Waxaa la filayaa in Netanyahu uu markii afaraad soo dhiso xukuumad wadaag ah.

Ololahiisa doorashada waxaa uu ku saabsanaa sugidda amniga Israa’iil.

Maalmo ka hor doorashada, ayaa Netanyahu waxaa uu sheegay in uusan aqbali doonin dowlad madax banaan oo Falastiiniyiintu leeyihiin.

Weriyaha BBC-da ee Jerusalam ayaa sheegay in Aqalka Cad aan laga soo soo dhaweyn doonin arrintan, iyagoo u arka Mr Netanyahu inu caqabad ku yahay nabadda Bariga Dhexe.

Author: Liban Farah

Editor of Faafiye.com
Host of Faafiye Show
I can be reached by Email at editor@faafiye.com

Share this post