Home.Warka

Sargaal Ciidan oo Lagu Dillay Muqdisho.

Like Tweet Pin it Share Share Email



Wararka laga hellayo degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay toogteen Sargaal ka Tirsanaa Ciidamada Dowlada Feeraalka ah Ee Soomaaliya.

Sargaalkaan ayaa loo geystay dilka habeenkii Xalay waxaana Lagu Dilay gurigiisa oo ku yaallo xaafadda Isbartiibada iyadoo ay halkaasi Ka Baxsadeen Kooxahii Sarhaalkaasi Dil u Geystay.

Dilka Markii uu Dhacay ka Dib Ayaa Waxaa Halkaasi Soo Gaaray Ciidamo ka Tirsan Kuwa Dowlada Federaalka ah Ee Soomaaliya Waxa ayana Halkaasi ka Qabteen Tiro Dhalinyaro ah Kuwaasi oo ay ku Thmayaan Dilka Sargaalkaasi

Goob jooge daris la ahaa ninkaan la dillay ayaa warbaahinta u sheegay in ninka la dillay uu ahaa Sargaal ka Tirsanaa Ciidamada Dowlada Federaalka ah Ee Soomaaliya Gaar Ahaan Kuwa Milatariga.

Comments (0)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *