Maraykanka oo askar kala baxaya Yemen.

  

Maraykanka ayaa la sheegay inuu milaterigiisa kala baxayo saldhig ku yaalla Yemen, sababo la xiriira nabadgelyo darro aaggaas ku sii korortay. Ciidanka oo ay ku jiraan askarta gaarka ah ee kumaandoska ayaa la sheegay in laga saari doono saldhigga Al-canad ee ku yaalla koofurta.

Dagaalyahannada Al Qaacida ayaa weeraray magaalo halkaas u dhow Jimcihii, ka hor intii aysan ka saarin xoogag maxalli ah.

Waxaa la rumaysan yahay in saldhigga Al-canad loo isticmaali lahaa in lagu tababaro askarta xukuumadda Yemen, dagaalka ay kaga hor jeedaan Al-Qaacida ee koofurta dalka. Milateriga Maraykanka weli wax faallo ah kama bixin wararka sheegaya inay ciidankooda xeradaas kala baxayaan.

Share this post

Post Comment