Home.Warka

Daawo Sawirada'' Dalka India oo kaalinta koowad Caalamka ka gashay Qishka Imtixaanada xarumaha waxrashada

Like Tweet Pin it Share Share Email

qish1 qish2 qish3 qish4 qish5

Inta badan Webseedyada ka faalooda Arrimaha Bulshada ee dalka India, ayaa hadal haya dhacdadaani Cajiibka ah, kadib markii qoysas badan oo dalkaasi u dhashay ay go’aansadeen in Carruurtooda ay Qishka imtixaanka u mariyaan Dariishadaha Iskuulada dalkaasi.

Waraaqo ay ku qoran yihiin jawaabaha Su’aalaha imtixaanka ayaa la arkayay waalidiintii oo ka dhiibiya daaqadaha guri dhawr dabaq ah.

Xog lagu daabacay The independent ayaa lagu sheegay in gudbintii qishkan ay ka qayb qaateen Booliskii imtixaanka waardiyeenayay oo marka laaluush la siiyo waalidiinta u tilmaamayay dhabarka dambe ee Iskuulka.

Masuuliyiintii iskuulka oo markii arintu kashifantay la hadlay saxaafada ayaa sheegay inaysan waxba ka qaban karin.

Waalidiintii waxay dhankooda sheegeen in macalimiinta ardayda waxbarta ay yihiin kuwa aan aqoon fiican lahayn ardeyduna aysan waxba ka faa’iidin sidaas darteedna si ubadkoodu imtixaanada uga baasaan ay ku qasban yihiin inay qish siiyaan.

Qishkan ayaa waxaa loo xidhay 300 oo ruux halka 700 oo macalina shaqadii laga eryay.

Comments (0)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *