Dowlada Kenya oo shaacisay xiliga ay bilaabeyso dhismaha Darbi laga dhisayo Xuduuda Soomaaliya iyo Kenya

berlin-wall-and-watchtower-at-gedenkstc3a4tte-berliner-mauer

Dowlada Kenya ayaa si rasmi ah shaaca uga qaaday in todobaadka soo socda uu bilaaban doono dhismaha darbi laga hirgalinayo xaduuda ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya si looga hotago kooxaha kasoo gudba xadka ee Weerarada ka geesta Gudaha Kenya.

Wasiirka Arimaha Gudaha Dalka Kenya Joseph Nksissery, ayaa sheegay in ay wadaan qorshe ay darbi uga dhisayaan dhamaan Xuduuda ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya, si looga gaashaanto kooxaha xadka kasoo gudba ee weerarada ka fulaya Kenya.

Joseph Nksissery ayaa shaaciyay in dhismaha darbiga laga dhisaayo Xaduuda Soomaaliya iyo Kenya wadaagaan uu isbuuca dambe ka bilaaban doono Magaalada Mandheeera, waxa uuna intaa raaciyay in dhismaha darbiga uu wax badan ka badali doono xaalada amni ee Dalka Kenya.

Bilow Keerow oo ah Xildhibaan laga soo doorto Magaalada Mandheera ayaa soo dhaweeyay qorshahan darbiga looga dhisayo Xadka Kena iyo Soomaaliya wadaagaan, waxaa sidoo kale qorshahan dhaliilay Xildhibaan Ilyaas Barre Shiil oo ku tilmaamay qorshaha darbiga lagu dhisayo mid aan laga fiirsan.

Dowlada Kenya ayaa dhibaatooyin xoogan mudooyinkii dambe kala kulmeysay Dagaalyahano katirsan Xarakada Al-Shabaab oo kasoo gudbayay xadka Soomaaliya, kuwaa oo weeraro qasaaro kala duwan dhaliyay ka fuliyay Gudaha Kenya.

Share this post

Post Comment