Soo saaridda meydadkii diyaaradda Airbus 320 oo muddo qaadanaysa.

Diyaaradda Airbus 320 ayaa talaadadii ku dhacday buuraleyda dalka Faransiiska.

Saraakiisha ayaa sheegaya in cimilada oo xun ay keeni karto in maalmo ay qaadato in la soo saaro meydadka 150 qof oo saarnaa diyaaraddii Jarmalka laga lahaa ee ku burburtay buuraha Alps ee Faransiiska Talaadadii.

Baarayaasha ayaa ku tilmaamay raqdii diyaaradda meel uu baaba’ ka muuqdo, ayadoo burburkana uu daadsan yahay dhaadhaca buuraha.

Diyaaradda oo ah nooca Airbus 320 waxay ka timid Barcelona waxayna ku sii jeedday Dusseldorf.

Ra’iisulwasaaraha Spain Mariano Rajoy, wuxuu ku dhawaaqay seddex maalmood oo baroordiiq ah.

Asaga, ra’iisalwasaaraha Jarmalka, iyo madaxweynaha Faransiiska ayaa lagu wadaa inay booqdaan maanta gelinka dambe halkii ay dayaaraddu ku burburtay.

Author: Liban Farah

Editor of Faafiye.com
Host of Faafiye Show
I can be reached by Email at editor@faafiye.com

Share this post