Yaab: Gabar Somali-British ah oo Gaalo noqotey

amal-_2921296b

Gabar Somali-British ah oo noqotey gaalo ama ka baxday diinta Islaamka ayaa waxaa la sheegay inay arintaas ay ku keentay dhibaato baaxad weyn ka dib markii ay qoyskeedii deyriyeen islamarkaana ay u jareen gebi ahaanba xiriikii kala dhexeeyey gabadhaas Soomaaliyeed ee gaaloowday.Gabadhaan Soomaalida ah oo lagu magacaabo Amaal Faarax oo 33 sano jir ah kuna nool dalkaas Ingiriiska ayaa gebi ahaanba ka baxday diinta Islaamka oo noqotey qof gaalo ah arintaas oo ay aad iyo aad uga xumaadeen waalidkeed gaar ahaana hooyadeed, gabadhaan ayaa markii ay u sheegtay hooyadeed inay ka baxday diinta Islaamka waxay hooyadeed u sheegtay inay iyada iyo Ilaahay ay dooraneyso ALLE halkaasna ay xiriirkooda ay ugu jartey iyadoona mudo ka badan ilaa iyo 8 sanadood aysan wax xiriir ah kala dhaxeynin gabadhaas iyo hooyadeed iyo qaraabadeeda kale oo dhan, Gabadhaan ayaa waxay sheegtay inuu aabaheed ahaa Janaraal ciidamada ah dowladii Kacaanka oo uuna ku geeriyooday miino ku qaraxday.
waxaa arin murugo ah marka dad cadaan ah oo gaalo ahaa soo islaamaan dadkii diinta kudhashayna gaaloobayaan markii wadan shisheeye lageeyo.waa habar ridowday iga dheh.ciday wax ku yeelayso ma jirto,ha ku faraxsanaato ama yeysan ku faraxsanaanin dhaldhalaanka aduunka.waxaa xaqiiqo ah ruuxii eebbe ka cabsadaa dadku waa la heshiis.laakiin haddii ay eebbe ka dooratay noloshan gaaban ( sandareersi ) hala ogaado meeshay ku geyso.,waxay leedahay hooyadey ilama hadasho oo way i goysay.goyntaas goyn kalaa ka horeysay eebbihii khalqay ayey goysay.marka hooyada ay ka hadleysaa maxay tahay.ruux ridoobey iyadu uguma horeynin.cadaabkii eebbe ayaa sugaya kuwa islaaminadooda ku badasha bidhbidhka aduunka.
Bal nala daawada gabadhaan waxa eey ku hadleeyso.

Share this post

Post Comment