Nin ku dhacay kamid noqoshada Ciidamada Kenya oo dharbaaxay Sargaal kadibna si xun loo ciqaabay

Talefishinka KTN ee laga leeyahay Dalka Kenya ayaa soo bandhigay Muuqaal laga soo qaaday Nin kamid ahaa rag loo tababaray kamid noqoshada Ciidmada Cusub ee Dalka Kenya oo dharbaaxaya Sargaal katirsan Ciidamada.

Ninkan ayaa la sheegay in uu ku dhacay imtixaanka kamid noqoshada Ciidamada Cusub ee Dalka Kenya, waxaana laga saaray liiska raga loo sii tababarayo Ciidamada, waxaana la arkayay ninkan oo ka careesan in laga saaro safka dadka loo tababaray kamid noqoshada Ciidamada Cusub.

Waxaa Mar qura ninka caradiisa uu kala dul dhacay sargaal katirsan Ciidamada Milatariga Kenya oo ku sugnaa xerada Tababarka , kaa uu ku dhuftay dharbaaxo, waxaana xiligaa kadib ninkaasi xiray ciidamado ku sugnaa xeradii lagu tababaray.

Ciidamada ayaana ninkan Dharbaaxay Sargaalka marsiiyay ciqaab daran, waxaana xerada laga ka xeeyay ninkan oo laga xiray gcamaha, dhacadadan ayaa imaaneysa Xili Dowlada Kenya ay qoraneyso dhalinyaro badan oo kamid noqda Ciidamada Dalkaasi.

Author: Liban Farah

Editor of Faafiye.com
Host of Faafiye Show
I can be reached by Email at editor@faafiye.com

Share this post