Home.Warka

Bardhere oo laga qabsaday al-Shabaab.

Like Tweet Pin it Share Share Email

  
Magaalada Baardheere ee gobalka Gedo, ayaa waxa qabsaday ciidamada Kenya ee ka tirsan AMISOM.

Al-Shabaab ayaa ka talinaysay Baardheere 7-dii sano ee ugu dambayay.

Alshabaab, ayaa magaaladaasi ka talinaysay tan iyo sanadkii 2008.

Dadka deegaanka, waxay sheegayaan in ciidamada Kenya oo sita hub culus iyo diyaaradaha dagaalka oo ka caawinaya dhanka hawada in ay galeen magaalada.

Inta badan dadwaynuhu way ka carareen magaalada, iyagoo gaaray tuulooyin ku yaala bannaanka magaalada Baardheere.

Dagaalka, ayaa ka dhacay bannaanka magaalada, laguma dagaalamin magaalada gudaheeda, sida ay sheegayaan dadka ku haray magaalada.

Xiisada ayaa kacsan, ciidamada AMISOM ayaa saldhigyo ka dhisanaya haatan bannaanka magaalada.

Comments (0)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *