JAWAARI: Puntland oo keliya ayaa ah Dowlad Goboleed – Inta kalena waa Maamul Goboleedyo.

jawaari

 Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia, Maxamed Sh. Cusmaan Jawaari ayaa sheegay inaysan dalka ka jirin wax Dowlad-goboleedyo la yiraahdo, laakiinse ay yihiin Maamul-goboleedyo, isagoo sheegay in Maamul-goboleedyadii Dhawaan la sameeyay ay ahaayeen kuwo go’aan siyaasi ah oo aan sharci ahayn lagu dhisay.

Jawaari ayaa arrintan ku sheegay su’aalo shalay lagu weydiiyay shirka dib loogu eegayo dastuurkad dalka ee ka furmay Muqdisho, isagoo xusay in in wax badan la isku qaldo oo ah dowlad-goboleed iyo maamul-goboleed, taasna aanay wax sax ah ahayn.

“Waxaan jeclahay in hal arrin si fiicacn oo fahmo; waxaa jira raadiyayaasha & Siyaasiyiinta inay wax badan Qaldayaan, Annaga Arrimahan waxaa ku fiirinnaa indhaha Dastuurka iyo indhaha sharciga qofna ma doonayno inaan ka careysiino, qofna ma doonayno inaan ka qosolsiino, wax la yiraahdo Dowlad-goboleed ma jiraan,” ayuu yiri Jawaari.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa intaas ku daray in Puntland loogu yeeri karo Dowlad-goboleed, maadaama dhismaheeda uu ka horreeyo dastuurka hadda la sameeyyo, balse looga baahan yahay in waxyaabaha yar ee dastuurka ka dhiman la is-waafajiyo.

“Dowlad goboleed wax la yiraahdo dalka kama jiraan oo aan ka aheyn Puntland oo iyadu ka horreysay Dastuurkan, iyadana ay ka dhiman tahay Waxyaabo yar Dastuuri ah, inta kale ee sameysmay waa maamul goboleedyo KMG ah oo lagu Qaarkood lagu dhisay go’aan siyaasi oo aan wax sharci ku fadhin,” ayuu mar kale yiri Prof. Jawaari.

Ugu dabmeyn, Guddoomiye Jawaari ayaa hadalkiisa kusoo beegay iyadoo inta badan ay xukuuumadda Somalia ugu yeerto maamul-goboleedyada dalka kajira inay yihiin dowlad-goboleedyo.

Author: Liban Farah

Editor of Faafiye.com
Host of Faafiye Show
I can be reached by Email at editor@faafiye.com

Share this post