Xildhibaannada Galmudug oo Ansixiyay Golaha Wasiirrada Cusub ee Maamulka KMG Galmudug .

Xildhibaannada_Galmudug_Ansixin_660

Baarlamaanka Maamulka Galmudug ayaa si Rasmi ah u Ansixiyay maanta Golaha Wasiirrada Cusub ee Maamulkaas oo uu Toddobaadkaan soo magacaabay Madaxweynaha Galmudug, C/kariin Xuseen Guuleed.

Wasiirradii cusub ee Maammulka Galmudug oo tiradoodu tahay 52 xubnood oo kala ah 24-wasiir, 24-wasiir ku xigeen iyo afar wasiir u dowle, ayaa waxaa ku jira xubno ka socda Maamulka Ahlusunna oo dhawaan Maamulka Galmudug uu la saxiixday Heshiis Awood-qaybis ah.

Xildhibaannada Baarlamaanka Maamulka Galmudug ayaa Ansixiyay Xukuumadda Kaddib markii Wasiirka Madaxtooyada Mamulkaas uu baarlamaanka hortiisa ka akhriyay Qorshaha Xukuumadda Cusub ee Galmudug ay ku howlgeli doonto.

Fadhiga Baarlamaanka Galmudug oo ahaa Goob-joog ka ahaayeen 69 xildhibaan; ayaa 66-xildhibaan oo ka mid ah waxay codkooda siiyeen xukuumadda, halka saddex xildhibaan oo kala ahaa; Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo labadiisa ku xigeen aysan codkooda dhiiban.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed oo ansixinta golihiisa wasiirrada kaddib hadal jeediyay ayaa sheegay xildhibaanada Galmduug uga mahad-celiyay ansixinta Wasiirrada, isagoo Wasirrada codka la siiyayna kula dardaarmay inay la yimaadan shaqo wanaagsan.

Si kastaba ha ahaatee, Maamulka KMG Galmudug ayaa waxaa sugaysa howlo badan oo ay ka mid yihiin Xallinta Muranno kala dhexeeya Qaybo ka mid ah Ahlusunna Waljamaaca oo weli Galmudug kasoo horjeeda iyo Puntland oo uu kala dhexeeyo muran dhinaca xuduudda ah.

Author: Liban Farah

Editor of Faafiye.com
Host of Faafiye Show
I can be reached by Email at editor@faafiye.com

Share this post