Home.Warka

Xildhibaano Guddoonka Barlamaanka U Gudbiyay Mooshin Lagu Laalayo Mooshin ay Horay M.weynaha Uga Keeneen.

Like Tweet Pin it Share Share Email

xildhibaan

Xilibaanada Mooshinka Caawa Gudbiyay oo Tiradoodu  Gaaray 125 mudane ayaa Ciwaan uga Dhigay “Soo Jeedin Laalis Mooshinka iyo Eedeymaha Aan Sharciga  waafaqsaneyn ee ka soo Horjeeda M.weynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Xilibaan C.laahi Abshiroow oo goordhaw Radio Muqdisho Soo gaarsiiyay nuqul kamid ah mooshinka ay u gudbiyeen Guddoonka Baarlamaanka ayaa sheegay in ay diidanyihiin mooshinka laga keenay m.weyne Xasan Sh Maxamuud,isagoo sheegay in mooshinka m.weynaha laga keenay uusan heysan sharciyad uu ku sii socdo.

Xilibaan C.laai ayaa sheegay in mooshinkaasi  uu Abuurayo Xasilooni darri siyaasadeed, isla markaana laga been abuurtay xilibaano badan oo aan ku jirin mooshinkaasi , Dustuur ahaanna  aysan jirin tallaabooyinkii sharci ahaan ay u baahneeyd  Eedeymaha  loo soo jeediyo M.weynaha Jamhuuriyadda Fadaraalka Soomaaliya sida maxkamaddii Dastuuriga aheyd ee sharci ahaan Qiimeyn laheyd Asal ahaanta Eedeymahaasi.

Mudane Abshiroow ayaa hadalkiisa intaa ku daray in maadaama baarlamaanku uu galayo Kalfadhigii Todobaad ayna horyaallaan Shuruuc muhiim u ah xiliga kala guurka uuna mooshinkaasi carqaladeynayo habsami u socodka howlaha baarlamanka iyo geeddi socodka 2016.

Comments (0)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *