Xilibaanno Baarlamaanka Soomaaliya Ka Tirsan Oo Kulan xasaasi ah ku Yeeshay Muqdisho.

Sanabka_muqdisho

Xilibaanadaan oo gaarayay 126 mudane ayaa kulankooda kaga arinsaday Qadiyadda ku saabsan mooshinka ka dhanka ah m.weynaha Jamahuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya Mudane Xasan Sh Maxamuud Kaas ay Guddoonka Baarlamaanka u gudbiyeen mudanayaal ka tirsan Baarlamanka.

Kulankan ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa xubno ka tirsan golaha wasiirada xukuumadda soomaaliya kuwaas oo iyaguna aragti ahaan diidan mooshinkaasi.

Kulan Saacado qaatay kadib xilibaanada ayaa soo saaray Bayaan ka kooban dhowr qodob oo uu ugu muhiimsanaa in Guddoonka baarlamaanku Laalo Mooshinkaasi iyagoo Caddeeyay in Mooshinkaasi uu yahay mid siyaasadeysan dhibaatana u horseedaya soomaaliya.

Xildhibaan Cilmi maxamuud Nuur  oo ka mid ah mudanayaasha kulanka yeeshay ayaa waxaa uu aqriyay bayaanka ay wada jirka u soo saareen 126 oo ka tirsan baarlamaanka soomaaliya kuwaas oo ka mideeysan dhibaatada ka dhalan karta mooshinkaasi.

Kala aragti duwanaantan ka dhex-taagan baarlamaanka soomaaliya ayaa waxa uu ku soo beegmayaa iyadoo Qeybaha kala duwan ee Bulshadu ku baaqayaan in laga fogaada wax kasta oo dhaawici kara Amaanka iyo Hanaanka Soo kabasho ee hadda dalku marayo.

Author: Liban Farah

Editor of Faafiye.com
Host of Faafiye Show
I can be reached by Email at editor@faafiye.com

Share this post