Home.Warka

Shiinaha oo ogolaaday laba carruur.

Like Tweet Pin it Share Share Email

  

Shiinaha ayaa ku dhawaaqay inay joojinayaan siyaasadeeda in qoyska uu yeelan karo hal cunug.Reer walba hadda waxaa loo ogol yahay inay yeeshaan laba carruur, wakaalada warfaafinta shiinaha ayaa ka soo xigatay xisbiga hantiwadaaga ee talada haya.

Sharciga la isku qilaafsanaa ayaa la hirgaliyay 1979 si loo yareeyo tirada dadka ee kordhaysa.

Laakiin walaac laga qabo dadka Shiinaha oo da’dooda waynaaneyso ayaa keentay cadaadis in isbadal la sameeyo.

Siyaasada halka cunug oo kaliya in la dhalo, ayaa la qiyaasayaa inay joojisay 400 oo milyan oo carruur oo dhalan lahayd tan iyo markii la hirgaliyay.

Reerka sharciga jabiya ayaa la kulmayay ciqaab ay ka mid yihiin ganaax, shaqada oo laga cayriyo, iyo in lagu qasbo ilmaha in laga soo rido.

Waqtiyo ayaa siyaasada la dabciyay gobolada qaar, kadib markay soo baxeen walaacyo laga qabo shaqaalaha oo yaraaday, iyo dhibka sharciga uu bulshada ku hayo oo batay.

Xisbiga hantiwadaaga ayaa si rasmi ah u bilaabay inay dabciyaan sharciga laba sanno ka hor, iyagoo reerka u ogolaanayay inay laba carruur ah dhalaan hadii mid ka mid ah uu reerkiisa kaligii uu dhalay.

Hadalkan ayaa soo baxay maalintii ugu danbaysay ee shirka gudiga samaynta siyaasada ee xisbiga hantiwadaaga ee Shiinaha. Xisbiga ayaa ku dhawaaqi doona qorshaha dhaqaalaha waddanka ee shanta sanno ee soo socota.

Comments (0)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *