Saameynta duufaanka ee Puntland.

  
Iyadoo dabeylo xooggan laga cabsi qabo in ay maanta ku dhiftaan qaybo ka mid ah dalka Yaman gaar ahaanna dekedda Mukallah, waddamda deriska ah sida Soomaaliya gaar ahaanna deegaanda Puntland ee kulaala badweynta Hindiya iyo Gacnka Cadmeed ayaa durbaba waxaa ka soo yeeraya qaylo dhaan la xiriirta badda oo deegaanada qaar biyo ku fatahday iyo deegaanda qaar oo dabeylo xooggan ay ku dhufteen.Deegaanda ay dabeylahaan iyo biyaha badda saameeyeen waxaa ka mid ah degmada Bareeda iyo qaybo kale oo ka tirsan Raas Caseyr oo u dhow halka ay iska galaan badda Cas iyo badweynta Hindiya.

Share this post

Post Comment