Home.Warka

Al-Shabaab oo digniin adag u dirtay xubnaha ku biiray ISIS.

Like Tweet Pin it Share Share Email

  

Kooxda Al-Shabaab ayaa digniin adag u dirtay xubnaha ku biiray kooxda isku magacowday ‘Khilaafada Islaamka’ ee ISIL.

Isagoo la hadlayay warbaahinta taageerta Al-Shabaab, afhayeenka kooxda, Sheekh Cali Dheere ayaa sheegay inuusan jirin farqi u dhaxeeya kooxda ku biirtay ISIS iyo ‘cadowga’ Al-Shabaab ay la dagaallamayso, isagoo intaas raaciyay inaanay hoggaanka kooxdu marnaba ku gorgortomayn midnimada.

Digniintiisa aya timid kaddib markii xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugan buuraha Galgala oo uu hoggaaminayo Sheekh Cabdulqaadir Mu’min ay ku dhawaaqeen inay u hoggaansameen kooxda ISIS.
Mu’min ayaa hoggaaminaya koox tiradooda lagu sheegay 20 xubnood oo u hoggaansamay hoggaanka ISIS ee Abu Bakar Al Baghdadi.

Comments (0)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *