Home.Warka

Like Tweet Pin it Share Share Email

  
 
Ugu yaraan afar qof ayaa ku dhintay weerar koox hubeysan ay shalay ku qaaday goob fagaaro ah oo ku taalla degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo.
Dadka ku dhintay weerarka ayaa laba ka mid ah waxa ay ahaayeen shacab, halka labada kalena ay ahaayeen askari ka tirsan ciidamada dowladda iyo mid ka mid ah kooxdii weerarka qaadday.
Weerarka ayaa lagu warramayaa inay soo qaadeen maleeshiyo ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo beegsanayey ciidamo ka tirsan dowladda.
Aadan Weli Ibraahim Cabdiraxmaan oo ka mid ah odayaasha Beledxaawo ayaa VOA u sheegay in rag hubeysan oo saaraan baabuur ay soo galeen magaalada kadibna ay rasaas oodda ka qaadeen.
Taliyaha amniga Beledxaawo Sugow Cali Bare ayaa isna sheegay inay qabteen baabuurkii weerarka soo qaaday, ayna dileen laba ka mid ah maleeshiyadii weerarka fulisay.

Comments (0)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *