Kenyan  sharci darro ku joogay Muqdisho oo la masaafurinayo

  

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa 22 qof oo u dhashay dalka Kenya ku xukuntay inay bixiyaan ganaax lacag ah kaddibna dalka laga masaafuriyo.
Maxkamadda ayaa ku xukuntay in mid kasta oo ayaga ka mid ah uu bixiyo ganaax lacag ah oo dhan $10 maalintiiba muddada u ka dhacsanaa dal-ku-galkooda, marka ay lacagta bixiyaanna la masaafuriyo.

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa sidoo kale waxay ku ganaaxday 10 kun oo doollar in ay bixiso shirkaddii ay dadkaasi u shaqeynayeen.

Waxaa lagu eedeeyay inay u shaqeynayeen shirkad teknoloji iyagoo aan rukhsad shaqo haysan.

Waxay u shaqeynayeen shirkadda software-ka ee Liber Link.

Author: Liban Farah

Editor of Faafiye.com
Host of Faafiye Show
I can be reached by Email at editor@faafiye.com

Share this post