La heystayaal u dhashay Iiraan oo ay soo badbaadiyeen ciidamada Galmudug.

  

Ciidamada amniga ee maamul goboleedka Galmudug ayaa soo badbaadiyay afar la heyste oo u dhashay dalka Iiraan kuwaas oo burcad badeed ay afduub ugu heysteen xeebaha Mudug.
Madaxweyne ku xigeenka maaamul goboleedka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidamada ay ku guuleysteen inay soo bad baadiyaan la heysteyaasha, wuxuuna howlgalkaas uu ku tilmaamay inuu qeyb ka yahay qorshaha ay ku doonayaan inay ku ciribtiraan burcad badeeda.

Afarta qof oo ahaa kaluumeysato ayaa muudo 10 bilood ay heysteen burcad badeeda waxayna doonayeen inay ka qaataan lacag madax furasho ah.

Author: Liban Farah

Editor of Faafiye.com
Host of Faafiye Show
I can be reached by Email at editor@faafiye.com

Share this post