Madaxweynaha maamulka Jubba oo Nairobi kula kulmay saraakiil Mareykan ah.

  

Madaxweynaha maamulka Jubba ayaa magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya kula kulmay saraakiil Mareykan ah oo ka tirsan waaxda arrimaha Soomaaliya ee safaaradda Mareykanka uu ku leeyahay Nairobi.
Wakiilka Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya David Kaeuper ayaa ka mid ahaa mas’uuliyiinta Mareykanka ee uu Axmed Madoobe la kulmay, waxayna ka wada hadleen arrimo ay ka mid yihiin dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, dhismaha ciidanka maamulka Jubba iyo taageerada Mareykanka uu siiyo Soomaaliya.

Mas’uuliyiinta Mareykanka ayaa sheegay inay daneynayaan dhammaystirka howlaha ka socda Soomaaliya ee xasilinta iyo maamul u sameynta gobollada dalka.

Author: Liban Farah

Editor of Faafiye.com
Host of Faafiye Show
I can be reached by Email at editor@faafiye.com

Share this post