Home.Warka

 Ciidamada Isra’iil Oo Toogtay Haweenay 72 Jir Ah Oo U Dhalatay Falastiin.

Like Tweet Pin it Share Share Email

  

Ciidamada Israa’iil ayaa Toogasho ku dilay haweenaydaan kadib markii ay gaarigeeda lasoo gashay kaalin shidaal oo ku taalla degmada Halhul oo dhanka Hebron ee Daanta Galbeed.

Ciidamada Israa’iil oo dhawaanahan dilal ugaystay dad tiro badan oo Falastiiniyin ah ayaa shalay toogasho ku dilay haweeney 72 jir ah mar ay gaariigeeda usoo wadatay kaalin shidaaal.
Askarta ayaa sheegay in ay haweenaydaasi oo lagu magacaabo Thawarat Ashrawi dileen kadib markii ay gaarigeeda kusoo dhax kaxeysay xerada Ciidamada ay ku sugnaayeen.
Waa dilkii labaad oo ciidamada Yahuuda ay ka gaystaan Falastiin galabtii jimcaha waxaa sidokale Qaza ay ku dileen will 23 jir ah meel ay ku madaaharaadayeen shacab reer Falastiin ah.
Sidookale rabshado ay ku dhaawacmeen 38 qof ayaa ka dhacay wuqooyiga iyo Bartamaha Qaza.
Illaa iyo 1dii Oktoobar Israa’iiliyiintu waxay dileen 76 ruux oo falastiiniyiin ah.

Comments (0)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *