Ilaalada Wehliye hotel oo qabtay nin xiran dharka dumarka.

  

Ilaalada hotelka Wehliye oo ku yaalla magaalada Muqdisho ayaa qabtay saddex ruux oo la sheegay in mid ka mid ah uu dharka dumarka xirnaa.

Saddexda ruux ee la qabtay ayaan wax hub ah wadan, xilliga ay gacanta ku dhigeen Ilaalada hotel Wehliye ee degmada Hawlwadaag iyadoo ay ka shakiyeen ninka xirnaa dharka dumarka.

Waxay ku wareejiyeen seddexda nin laamaha ammaanka ee dowladda, waxaana ku socda baaritaan.
Hoteelada Muqdisho oo ay degan yihiin masuuliyiin ka tirsan dowlada iyo dad shacab ah ayaa waxaa bartilmaameed ka dhigta maleeshiyada Al-Shabaab.

Share this post

Post Comment