Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid oo dhagax dhigay dib u dhiska safaaradda Soomaaliya ee Kenya.

  

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa maanta dhagax-dhigay dib u dhiska dhulka safaaradda Soomaaliya ee magaalada Nairobi.

Munaasabad ka dhacday dhismaha safaaradda ayaa waxaa ka qeybgalay ra’iisul wasaaraha, xubno ka tirsan golihiisa wasiirrada, madaxweynaha maamulka Jubba iyo ganacsato.

Safiirka Soomaaliya u fadhiyo Kenya Jamaal Maxamed Xasan ayaa sheegay in muddo ay socotay qorshaha dhismaha safaaradda, oo uu xusay in ay ku baxeyso kharash badan oo loo baahan yahay in dadka Soomaaliyeed ay gacan ka geystaan, wuxuuna intaas ku daray in marka dhismaheeda la dhameystiro ay u soo guuri doonaan.

Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid ayaa sheegay in dib u dhiska safaaradda ay qeyb ka tahay qorshayaal socda oo safaaradaha dibadda ku yaalla lagu dhisayo, wuxuuna ka ammaanay dadaalkii dheeraa ee loo galay soo celinta dhulka safaaradda, isagoo ka mahad celiyey cid kasta oo gacan ka geysaneyso dhismaheeda.

Soomaaliya ayaa 2010 ku guuleysatay in gacanteeda lagu soo celiyo dhulka safaaradda, kaddib dacwad muddo socotay oo ka dhalatay markii sagaashameeyadii dhulka laga iibiyey shakhsiyaad ganacsato ah.

Author: Liban Farah

Editor of Faafiye.com
Host of Faafiye Show
I can be reached by Email at editor@faafiye.com

Share this post