Reysul wasaaraha oo booqday qaxootiga Dadaab.


 

  
  
    


Reysul wasaaraha xukuumada federaalka Soomaaliya Cumar Cabdrashid Cali Sharmaarke ayaa shalay booqday xeryaha qaxootiga Dadaab ee gobolka waqooyi Bari Kenya.
Cumar Cabdirashiid ayaa u kuur galay xaaladda nololeed ee qaxootiga Soomaalida ee ku jira xeryaha, wuxuuna booqday goobo dhowr ah sida xarunta ay iska diiwaan geliyaan dadka Soomaaliya ku laabanaya dalkooda, iskuulka sare xerada Ifo, cusbitaalka xerada.
Reysul wasaaraha ayaa xafiiska hay’adda UNHCR ee Dadaab kula kulmay horjoogayaasha xeryaha qaxootiga, wuxuuna ka dhegeystay warbixin ku aadan dhibaatada iyo baahida ka jirta xeryaha isagoo ku booriyay inay si iskood ah ugu laaban karaan dalkooda oo ay ka bilaabi karaan nolol cusub.
Wafdiga reysul wasaaraha ayaa waxaa ka mid ahaa madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Maxamed iIlaam (Axmed Madoobe) iyo wasiiro ka tirsan xukuumada federaalka, saraakiil ka tirsan safaarada Soomaaliya ee dalka Kenya iyo masuuliyiin kale.
Dowladaha Soomaaliya, Kenya iyo hay’ada Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ayaa dhowaan ku heshiiyay in dib loogu celiyo qaxootiga Soomaalida dalkooda iyadoo aan la qasbeenin.

Author: Liban Farah

Editor of Faafiye.com
Host of Faafiye Show
I can be reached by Email at editor@faafiye.com

Share this post