Daacish Oo Sheegatay Inay Kadambeeyeen Weerarradii Paris.

  

Ururka Daacish ee ka dagaallama dalalka Ciraaq iyo Suuriya ayaa sheegtay inay gaysteeen weerarradii dadka badani ay ku dhinteen ee ka dhacay magaalada Paris iyagoo hanjabaad kululna ujeediyay dowlada Faransiiska.

Ururka Daacish ayaa xoogwayn ku leh dalalka Ciraaq iyo Suuriya iyagoo isku tilmaamay inay yihiin khilaafo Islaami ah oo sharciga wax ku maamusha ka dhisto dhulka muslimiinta.


Dalka Farnsiiska waxaa uu ka mid yahay ururrada reer galbeedka ee la dagaalamaya Daacish waxayna horey diyaarado oogu weerareen khilaafada balse Daacish ayaan tustay awoodooda oo magaaladii caasimada Paris ayay mugdi geliyeen iyagoo jawaab ooga dhigaya falalka ay Faransiisku ka wadaan dhulka ay ka dagaallanto ISIL.


Ururka ayaa ku hanjabay in ay weerarrada caynkaan oo kale ah sii wadi doonaan inta Ciidamadooda ay la dagaalamayaan.


Waxaa la sheegay in weerarka ay fuliyeeen 8 wiil oo walaal ah oo Faransiis udhashay sida ay sheegeen ciidamada sirdooonka Fransiiska.

Share this post

Post Comment