Home.Warka

Weeraro Agaxixiso Oo Lagu Qaaday Paris Oo Dilay Ugu Yaraan 120 Qof.

Like Tweet Pin it Share Share Email

  

Weeraradan oo isugu jiray qaraxyo iyo gumaad abaabulan ayaa ka dhacay meelo kala duwan oo ku yaalla magalada Paris, waxaana khasaaraha oogu badan dhaliyay qaraxii ka dhacay Tiyaatarka Batalcan oo ay ku dhinteen 80 qof oo rayid ah.
Dalka Faransiiska ayaa looga dhawaaqay xaalad degdeg ah oo qaran, xaduudaha dalkaasi na waa la xiray kadib markii weeraro bambaano iyo dilal kala gedisan ay ka dhaceen magalada caasimada ah ee Paris.
Weeraradan ayaa is dabajoog ahaa iyaaa kii oogu horeeyay oo is qarxin ahaa uu ka dhacay tiyaatarka Batalkan, kadibna waxaa xigay mid ka dhacay meel u dhow Stade De France oo ciyaar saaxiibtinimo ay ku dhaxmareysay xulalka qaranka Faransiiska iyo Jarmalka, waxaana daqiiqado ka dib laga war helay in dablay ay galeen maqaayad lagu magacaabo Le Petit Cambodge oo ay ku dileen 14 qof iyo sedex meel oo kale oo sidaano kale loo gumaaday.

  
Madaxwaynaha Faransiiska oo markaasi ku sugnaa garoonka kubada cagta ayaa weerarkaasi ka hadlay kuna tilmaamay inuu yahay weerar ay dad aan lahayn beer naxa wuxuuna dalka oogu baaqay inay is dejiyaan.
1500 oo ciidamada nabad sugida dalkaasi ayaa yimid goobta ka dib weerarka waxaana lasoo sheegayaa in la dilay sedex kamid ah raggii weeraraada qorshaysan gaystay.
Ilaa iyo haatan waxaa socda gurmadkii degdega ee maydadka looga soo saarayay goobaha ay khasaaraha ka dhaceen.
Madaxwaynaha Maraykanka ayaa ka tacsiyeeyay weerarkaasi
“waa fal xun oo looga dan leeyahay in lagu argagixiyo shacabka’’ ayuu yiri Obama
Sidookale Ra’isula wasaaraha Ingiriiska ayaa isna ka hadlay weerarka ayaa yiri
“Aad baan ooga naxay weerarka waxaanan ku fikiriray inaan caawiyo intii aaan awoodo’’
Waa weerarkii ugu xumaa ee ka dhaca magaalada Paris kadib masiibadii Charlie Hedbo ee horaantii sandkan oo ay dad badani ku dhinteen.

Comments (0)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *