9 Qof Oo Loo Xiray Qaraxii Beyruut.

beirut

Ciidamada dowladda Lubnaan ayaa sheegay inay xireen 9 qof oo loo heysto inay ka qeyb qaateen weerarkii bambaano oo habeenkii Khamiista ka dhacay caasimada Beyruut, qaraxyadaasi oo ay ku dhinteen ugu yaraan 44 qof.

Kooxdan la xiray ayaa isugu jira 7 kasoo jeeda dalka Siiriya halka 2 qof ay u dhasheen Lubnaan.

Dadkan ayaa la rumeysan yahay inay isugu jiraan kooxdii wadanka Lubnaan sida qarsoodiga ah usoo gelisay raggii geysatay weerarka ismiidaaminta ah oo habeenkii Khamiista ka dhacay koonfurta Beyruut, xaafada ay ku badan yihiin dadka shiicada ah.

Weerarkii Khamiista ayaa waxaa sheegtay kooxda ISIS, waxaana loo adeegsaday sadex qof oo watay bambaanooyin kuwaasi oo isku qarxiyey suuq ay dad badan ku sugnaayeen

Author: Liban Farah

Editor of Faafiye.com
Host of Faafiye Show
I can be reached by Email at editor@faafiye.com

Share this post