Home.Warka

Madaxweynaha Soomaaliya oo weeraray kooxaha Al-Qaacidda iyo ISIS.

Like Tweet Pin it Share Share Email


Xasan-Sheekh-III

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Talaadadii shalay sheegay in kooxaha xagjiriinta ee Al-Qaacidda iyo ISIS ay yihiin ‘xoogag shar ah’ loona baahan yahay in laga hor-tago.

Madaxweynaha ayaa carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in dalalka Reer Galbeedka ah ay adeegsadaan tallaabooyin isugu jira kuwa militeri iyo dhaqaale si loola dagaallamo argagaxisada.

Wuxuu caddeeyay in xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay u hoggaansameen kooxda Al-Shabaab.

“Ugu dambeyntii, natiijadu waa mid isku mid ah: Waa xoog shar ah oo u taagan burburin, haddii ay wataan magaca Al-Qaacidda ama Daacish,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan oo la hadlayay wakaaladda wararka ee Associated Press.

“Magacyo hor leh ayay la baxayaan, balse ficilladooda, caqiidadooda waa isku wada mid in kastoo laga yaabo in midi ay ka arxan darran tahay kuwa kale.

Madaxweyne oo ku sugan Dubai oo uu uga qeybgalayo shirka ganacsiga Afrika, ayaa qiray in weerarrada sii kordhaya ee kooxda Al-Shabaab ay ka geysaneyso Soomaaliya ay waxyeelleeyeen dadaallada lagu horumarinayo dalka.

Waa inaad gashaa si aad fikrad u dhiibato Gal

Comments (0)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *