Midowga Afrika oo cambaareeyay dilka shaqaalaha QM ee Beledweyne.

Midowga-Afrika-Kulan1-330x247

Midowga Afrika ayaa Isniintii shalay cambaareeyay dil Sabtidii magaalada Beledweyne loogu geystay sarkaal ka tirsanaa hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan saarista miinooyinka iyo walxaha qarxa.

Mahdi Xuseen Macow ayaa la dilay kaddib markii rag hubeysan ay rasaas ku fureen gaarigiisa oo marayay xaafadda Xaawo-Taako.

Odayaasha deegaanka ayaa dilkiisa ku tilmaamay mid qorshaysnaa.

“Dilka Mahdi Xuseen Macow wuxuu caddayn u yahay in wali dalka ay ku sugan yihiin canaasiir ka soo horjeedda nabadda, waana in gacan adag la isaga qabtaa kuwaas oo kale,” ayay AMISOM ku tiri war qoraal ah.

Macow ayaa sidoo kale ku lug lhaaa howlaha xasilinta ee ciidanka AMISOM ay ka wadaan gobolka Hiiraan.

Share this post

Post Comment