Home.Warka

Brussels oo ciidammo lagu daadiyay

Like Tweet Pin it Share Share Email

  

Dowladda Belgium-ka ayaa ciidammo geysay wadooyinka caasimadda Brussels, ayadoo xirtay boosteejooyinka tareennada.

Shacabka dalkaasi ayaa loogu baaqay in ay isdejiyaan, isla markaana aanay faafin wararka aan xaqiiqo ahayn.

Ra’iisul wasaaraha Belgium, Charles Michel, ayaa sheegay in tallaabooyinkaasi loo qaaday cabsi laga qabo in Brussels ay ka dhacaan weerarro la mid ah kuwii Paris ka dhacay.

Dowladaha Belgium-ka iyo Faransiiska ayaa baaritaan ku haya mintidiin hubeysan oo la sheegay in ay ku noolaayeen xaafadda Molenbeek ee caasimadda Brussels.

Laamaha ammaanka ee Turkiga ayaa xiray nin 26 jir ah oo u dhashay Belgium-ka, kaasoo looga shakiyay inuu xiriir la leeyahay kuwii fuliyay weerarradii Paris.

Comments (0)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *