CPJ oo cambaareysay xarigga Jaamac Deberaani.

  



Hay’adda CPJ ee u doodda xuquuqda weriyeyaasha ayaa si adag u cambaareysay xarigga Khamiistii la soo dhaafay magaalada Garoowe loogu gaystay weriye Jaamac Yuusuf Deberaani oo ka tirsan telefishinka Somali Channel.


Wakiilka CPJ u qaabilsan Bariga Afrika, Tom Rhodes ayaa sheegay inuu cambaareynayo xarigga sharci darrada ee lagula kacay weriyaha, wuxuuna maamulka Puntland ka dalbaday inuu si deg-deg ah xorriyaddiisa dib ugu celiyo weriyaha xiran.


“Dhibaataynta noocaan oo kale ah waxay ku khasbaysaa weriyeyaasha kale ee ka howlgala Puntland inay faafreeb ku sameeyaan warbixinnada ay tebinayaan iyagoo ka cabsanaya in tacaddi loo gaysto,” ayuu yiri Tom.


Waxaa sidoo kale xarigga Jaamac Deberaani cambaareeyay ururro kale oo ka mid yihiin kuwa dalka ka howlgala sida kan Puntland ka dhisan ee MAP iyo kan qaranka ee NUSOJ.

Share this post

Post Comment