Qaramada Midoobey oo ansixisay in dagaal wadajir ah lagu qaado Daacish.

  

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa meel mariyey qaraar ay soo gudbisay dowladda Faransiiska, kaasi oo ah in dagaal lala galo kooxda Daacish.

Qaraarkan ayaa ogolaanaya in dhammaan dalalka awooda leh in ay ka qeyb galaan dagaal ka dhan ah dowladda islaamiga ah, isla markaana meelaha ay ku xoogan yihiin sida Ciraaq iyo Suuriya.


Xubnaha golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa si kulul u cambaareeyey weeraradii Paris lagu qaaday todobaadkii la soo dhaafay, halka dowladda Faransiiska ay sheegtay in ay qaadi doonto talaabo milateri,oo ay isku difaacayso.


John Kerry oo ah xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka ayaa sheegay in Daacish ay la kulmi doonto dagaal xooggan, kaasi oo lagu soo afjarayo.


Dalalka Ruushka iyo Faransiiska ayaa iska kaashanaya duqeynta ka dhan ah kooxda Daacish.


Kooxda Daacish ayaa sheegatay mas’uuliyada weerarkii Paris lagu qaaday oo tirada ku dhimatay ay hada gaartay 130 qof iyo diyaaradii Ruushka laga lahaa ee ku soo dhacday gacanka Siinaay ee dalka Masar oo ay ku dhinteen 224 qof.

Author: Liban Farah

Editor of Faafiye.com
Host of Faafiye Show
I can be reached by Email at editor@faafiye.com

Share this post