Dagaal udhaxeeya Maamullada Puntland iyo Galmudug oo ka socda Gaalkacyo


  

  Warar goor dhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in iska horimaad udhaxeeya ciidamo ka kala tirsan maamullada Galmudug iyo Puntland uu ku dhaxmaray magaalada Gaalkacyo ee xaruunta Gobolka Mudug.


Iska horimaadka ayaa sida la sheegay ka bilowday muran ka dhashay dhismo wado oo ay wadeen qandaraaslayaal ay maal gelisay maamulka Puntland oo ay maamulka Galmudug ay kasoo horjeesteen.
Wax khasaara ah lama oga illaa hada, balse waxaa magaalada laga maqlayaa rasaas xoog leh oo la is waydaarsanayo.

Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa ka jira labo maamul dowladda federaalka ayaanan labada maamul gobaleed weli aan u kala saarin xuduudahooda.

Author: Liban Farah

Editor of Faafiye.com
Host of Faafiye Show
I can be reached by Email at editor@faafiye.com

Share this post