Home.Warka

Danjirihii Soomaaliya u fadhiyay Masar oo geeriyooday

Like Tweet Pin it Share Share Email

  

Danjirihii Soomaaliya u fadhiyay dalka Masar Cabdullaahi Xasan Maxamuud ayaa xalay ku geeriyooday magaalada Cairo ee caasimadda dalka Masar.Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa asagoo ka hadlayay geerida danjiraha wuxuu sheegay inay Soomaaliya waysay mid ka mid ah tiirarkii aasaaska u ahaa dibloomasiyadda.

“Innaa lillaahi waa Innaa Ileyhi Raajicuun. Ilaahay ha u naxariisto marxuumka. Waxaa uu ka mid ahaa tiirarkii aasaaska u ahaa diblomaasiyadda Soomaaliya. Waxaa khibraddiisa u dheereyd dadaal gaar ah oo uu ugu adeegayey qaranka muddadii burburka aan ku jirney,” ayuu yiri madaxweynaha.

Wuxuu marxuumka Ilaah uga baryay inuu naraxiistiisii Fardowsa ka waraabiyo, qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyoodayna uu samir iyo iimaan ka siiyo.

Danjire Xasan wuxuu muddo dheer ka mid ahaa diblomaasiyiinta udub dhexaadka u ahaa xiriirka Soomaaliya iyo waddamada Carabta.

Comments (0)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *