Home.Warka

Faransiiska iyo Ruushka oo ka heshiiyay la dagaallanka Daacish.

Like Tweet Pin it Share Share Email

  

Madaxweynaha dalka Faransiiska Faranswa Hollade ayaa Khamiistii shalay booqasho ku tagay magaalada Moscow ee caasimada Ruushka isagoo ujeedkiisu yahay in iskaashi milletari oo ka dhan ah Daacish kala saxiixdo dowladda Ruushka.
Hollande ayaa la kulmay Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin iyagoo ka wada hadlay sidii loo dhisi lahaa isbaheysi militari oo la dagaalama kooxda Daacish (ISIS).

“…Maadaama Daacish ay gacanta ku heyso dhul balaaran iyo waliba ciidan u gaar ah, waa lama huraan in la helo isbaheysi balaaran oo caalami ah oo kooxdaasi la dagaalama…iyo waliba in xal siyaasadeed loo helo dagaalka Siiriya…” ayuu yiri Hollande xili uu la kulmayey Madaxweynaha Ruushka.
Hogaamiyaha France ayaa sidoo kale ugu baaqay in la xaliyo xiisada hada ka dhex taagan dalalka Turkiga iyo Ruushka kadib diyaaradii Ruushka laga soo riday Salaasadii lasoo dhaafay.
Vladimir Putin ayaa dhankiisa markale si caroleh uga hadlay diyaaradii uu Turkiga kasoo riday, wuxuuna sheegay inay sii xoojin doonaan duqeynta ay ku wadaan kooxaha ka dagaalama dalka Siiriya.
Putin ayaa sheegay inuu ogolyahay sameynta isbaheysiga la dagaalama Daacish isagoo sheegay in loo baahan yahay in xooga la saaro duqeynta xarumaha shidaalka ee ku jira gacanta kooxdaasi.

Comments (0)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *