Madaxweynaha oo dalacsiiyay ciidamo ka tirsan boliiska.

  

Madaxweynaha jamhuuriyada federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay munaasabad lagu soo bandhigayay waxqabadka ciidanka miino-barista booliiska Soomaaliya taasoo lagu qabtay xarunta gaadiidka booliiska ee magaaladda Muqdisho wuxuuna madaxweynaha dallac-siiyay qaar ka mid ah ciidamada.

Madaxweyne Xasan ayaa ugu horeyn salaan sharaf ka qaatay cutubyo ciidanka booliiska ka tirsan.
Madaxweynaha oo la hadlay ciidamada ayaa sheegay in loo baahan yahay in hay’adaha dowladda ay shacabka u soo bandhigaan waxqabad si ay u kasbadaan taageerada shacabka ee ku aaddan dib u dhiska dalka.
Xasan Sheekh wuxuu intaa raaciyay in abaalmarinta ugu weyn oo ay heli karaan ciidamada in ay tahay in la aqoonsado hawsha geesinimada leh oo ay naftooda ugu hurayaan difaaca iyo u adeegidda qaranka iyo nolosha shacabka.


Madaxweynaha ayaa xafladda ka sheegay in ciidamada mina-baarista booliiska Soomaaliya iyo xubnaha la shaqeeya ee ciidamada dembi-baarista booliiska (CID) uu min hal darajo la dalacsiiyay, sidoo kale ciidamada mina-baarista ee sida gaarka ah u adeegsada Eeyaha ayaa iyagana la dallacsiiyay min laba darajo.


Wasiirka amniga qaranka, Cabdirisaaaq Maxamed Cumar oo isna munaasabada ka hadlay ayaa ka warbixiyay hawlaha hay’adaha amniga Soomaaliya iyo horumarrada ay ku tallaabsanayaan.


Taliyaha booliiska Somaliyeed Jeneraal Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa isna sheegay in dhowaan booliiska iyo maamulka gobolka Banaadir in ay wadajir uga shaqeyn doonaan hawlaha dab-damiska, isagoo sheegay in dhowaan la furi doono xafiis gaar ah oo boolisku leeyahay kaasoo qaabilsan tacaddiyada ka dhanka ah haweenka iyo carruurta.

Share this post

Post Comment