Home.Warka

Reysul wasaaraha Soomaaliya oo gaaray Cadaado.

Like Tweet Pin it Share Share Email

  

Reysul wasaraaha xukuumada federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa maanta gaaray magaalada Cadaado ee xarunta xarunta maamul goboleedka Galmudug.

Reysul wasaaraha ooy wehliyaan wasiirka arrimaha guddaha, wasiiru dowlaha madaxtooyada, taliyaha ciidanka xoogga dalka iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowlada ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Cadaado ku soo dhoweeyay madaxweynaha Galmudug Cabdikariin Xuseen Guleed, masuuliyiin ka tirsan Galmudug iyo qeybaha bulshada.


Booqashada reysul wasaaraha ayaa la xiriirta xalin u helida colaada u dhaxeysa maamulada Puntland iyo Galmudug oo ku dagaalamay magaalada Gaalkacyo.


Reysul wasaaraha ayaa la filayaa in uu kulamo la yeesho madaxweynaha Galmudug iyo waxgaradka deegaanka kuwaasoo uu kala hadli doono xalinta colaada ka aloosan Gaalkacyo.


Sidoo kale reysul wasaraha iyo wafdigiisa ayaa lagu wadaa in ay gaaraan magaalooyinka Garoowe iyo Gaalkacyo, halkaas oo ay kula kulmi doonaan madaxda Puntland iyo odayaasha dhaqanka si xal loogu helo colaada Gaalkacyo.

Comments (0)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *