Taliyaha ciidanka boliiska oo ka qeyb geli doona shir ka dhacaya Maraykanka

  

Taliyaha ciidanka boliiska Soomaaliyeed Jeneraal Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa maanta u ambabaxay dalka Mareykanka halkaas oo uu kaga qeyb gali doono shir caalami ah oo looga hadli doono horumarinta boliiska Soomaaliyeed.

Taliyaha ciidanka boliiska ayaa warbaahinta u sheegay inuu ka qeyb geli doono shir caalami ah oo looga hadli doono horumrinta ciidanka boliiska kaasoo lagu qaban doono dalka Maraykanka, wuxuuna sheegay inay mar walbo u taagan yihiin dhismaha iyo tayeynta ciidanka boliiska.

Taliyaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aaden cadde ku sii sagootiyay saraakiil ka tirsan ciidanka boliiska Soomaaliyeed.

Share this post

Post Comment