Booliska Beledweyne oo xiray haweeney sumeysay ninkeeda. 

  

Ciidanka booliska degmada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa xabsiga u taxaabay haweeney lagu eedeeyay inay sumeysay ninkeeda, kaas oo u dhintay sunta.
Taliyaha saldhigga galbeed ee Beledweyne, Cabdiqaadir Maxamed Axmed, ayaa warbaahinta u sheegay in haweeneyda ay seygeeda siisay caano sumeysan.

Wararka ayaa sheegaya in haweeneyda ay dhowr jeer oo hore ka dalbatay seygeeda furriin kaddib muran dhinaca guriga ah. Maruxuumka ayaa ku gacanseyray inuu furo xaaskiisa.

Dhacdada oo habeen hore ka dhacday magaalada ayaa argagax galisay dad badan oo ka tirsan deegaanka.

Author: Liban Farah

Editor of Faafiye.com
Host of Faafiye Show
I can be reached by Email at editor@faafiye.com

Share this post