Iska horimaad ka soo cusboonaaday Gaalkacyo

  

Iska horimaad hubeysan ayaa ka soo cusboonaaday magaalada Gaalkacyo oo u dhaxeeya ciidamo kala taabacsan Puntland iyo Galmudug.Iska horimaadka maanta ka socda magaalada ayaa imaanaya hal toddobaad kaddib markii iska horimaad ay ku dhinteen toddobo qof ayna ku dhaawacmeen 40 qof uu ka dhacay magaalada.
Iska horimaadyada toddobaadkii la soo dhaafay ayaa dhacay kaddib muran ka dhashay dhismaha waddo cusub oo maamulka Mudug ee Puntland uu doonayo inuu ka dhiso magaalada.
Iska horimaadka ayaa jabiyay xabbadjoojin ka badan 20 sano oo u dhaxeysay beelaha wada daga magaaladaasi.
Raysul wasaaraha Soomaaliya ayaa ku sugan Puntland isagoo wada dadaallo la doonayo in lagu dajiyo xiisadda. Wuxuu horey u soo maray magaalada Cadaado.

Author: Liban Farah

Editor of Faafiye.com
Host of Faafiye Show
I can be reached by Email at editor@faafiye.com

Share this post