Raysul wasaaraha oo Puntland kala hadlay xal u helidda xiisadda Gaalkacyo

  

Raysul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa shalay gaaray magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland.

Raysul wasaaraha oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in socdaalkoodu la xiriiro sidii loo soo af-jari lahaa xiisadda colaadeed ee ka jirta magaalada Gaalkacyo taasoo u dhaxeysa maamullada Puntland iyo Galmudug.


Raysul wasaare Cumar ayaa la kulmay madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamewd Cali Gaas iyo qaar ka mid ah waxgaradka Puntland isagoo kala hadlay qaboojinta xiisadda.


Wuxuu sheegay inuu hore ula kulmay madaxweynaha maamulka Galmudug isagooo kala hadlay sidii dib loogu soo celin lahaa dadkii ka barakacay magaalada Gaalkacyo.


Raysul wasaaraha ayaa shalay booqasho la xiriirta xal u helidda khilaafka u dhaxeeya maamullada Puntland iyo Galmudug wuxuu ku tagay magaalada Cadaado.

Author: Liban Farah

Editor of Faafiye.com
Host of Faafiye Show
I can be reached by Email at editor@faafiye.com

Share this post