Home.Warka

Wariye Deparani oo xarigga laga sii daayay.

Like Tweet Pin it Share Share Email

  

Waxaa dib u helay xoriyadiisa Wariye Jaamac Yuusuf Jaamac Deperani oo 19 Nufeember lagu xiray magaalada Garoowe ka dib markii ay dowlad gobaleedka Puntland amartay in la sii daayo.

Wariyaha ayay dowladda Puntland amartay in lasoo xiro mana aanan la shaacinin sababaha dhabta ah ee loo xiray.


Siidaynta wariyaha waxaa soo dhaweeyay dhamaan suxufiyiinta Soomaaliyeed iyo telefishanka gaarka loo leeyahay ee uu ka shaqeynayay oo ku riyaaqay, waxayna ku baaqeen in xurriyatul qolka la fasaxo.


Wariye Jaamac Deperani ayaa u mahadceliyey dhamaan Saxafiyiintii Soomaaliyeed iyo siyaasiyiinta oo uu sheegay in dareenkooda ay ku cabireen in ay ka xun yihiin xariga loogaystay, wuxuuna sheegay in markii hore sharci daro lagu xiray loogana joojiyey shaqadii uu hayey, balse uu siiwadan doono shaqdiisa.

Comments (0)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *